Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Sinopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    17/05/2024 Duración: 02min

    Xukuumadda Sweden ayaa go'aan kale ku gaartay miisaaniyad hor leh ee taageerada bani'aadminomo ee carriga Qaaza oo gaarsiisan120 malyan oo karoon. Magaalada Stockholm ayuu boliisku gacanta ku dhigay dhowr qof, halka dhanka kalena dhowr guri baaris uu ku sameeyay. Xisbiga Liberalerna ayaa soo jeediyay in la joojiyo maalgelinta xisbiyada ee akaawnada qarsoodiga ah, kadib shaacintii uu barnaamijka Kalla Fakta ee ka baxa telefishanka TV ee uu ka sameeyay xisbiga Sverigedemokraterna.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    16/05/2024 Duración: 02min

    Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa labo ka mid ah shaqaalahooda u kala bedelaya waaxda isgaarsiinta ee xisbiga, ka dib markii telefishinka TV4 uu ka warbixiyay. Doorashada Midowga Yurub ayaa soo dhow, waxaana in ka badan 7.7 milyan oo kaarar codbixin ah loo diri doona sanduuqyada boostada ee dalka. Hay'adda caafimaadka dadweynaha , ayaa xukuumadda u xilsaartay inay si dhow u eegto saamaynta baraha bulshadu ku yeelan karta ee caafimaadka da'yarta.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/05/2024 Duración: 01min

    Dabkii weynaa ee ka kacay beerta biyaha Oceana ee Liseberg horraantii sannadkan ayaa sabab u ahaa shaqo alxan laga waday halkaa. Qalab caafimaad oo qiimihiisu dhan yahay 14 milyan oo karoon ayaa Sweden u dirtay dalka Ukraine. Todobo qof ayaa subaxnimaddi hore loo qaaday isbitaalka kadib shil ka dhacay goobta shaqada ee warshada Dafgård ee Källby kuna taalla degmeda Götene.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    14/05/2024 Duración: 02min

    Nin 25 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii uu jabiyay mamnuucid joogitaanka bartamaha magaalada Göteborg. Afar illaa shan qof ayaa shalay galab ka baxsaday mid ka mid ah xarumaha lagu haayo dadka ee Wakaaladda Socdaalka oo ku taalla degmada Märsta oo dhacda waqooyiga Stockholm. Tirada cusub ee xanuunka dhimirka ee dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 18-24 ayaa wax yar hoos u dhacday sannadkii hore, marka loo eego sannadkii ka horreeyay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    13/05/2024 Duración: 02min

    Dukaammada lagu magacaabo 7-Eleven ayaa joojin doona iney sigaarka iibiyaan. Toddobaadkan ayaa la fileyaa cimilo wanaagsan oo qorrax leh iyo dabeeylo kulul, balse aanu weli xilligii kuleeyluhu iman. Waxaa soo gabagaboobey xilligii barnaamijka telefishanka SVT ee Qaxa ballaaran ee xayawaanka Älg-iga'', ahna xayawaan goodirka u eg.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    10/05/2024 Duración: 02min

    Qofku uma baahna inuu kaxeeynta baaskiilka u hasyto leysan kaxeen, balse waxaa jira shuruuc loo baahan yahey in la raaco. Isticmaalka kharashaadka qoysaska oo kor u kacay boqolkiiba 0.5 bisha Abriil. Maamule iskuul oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta wiil 8 jir ah oo ku geeriyooday dhaawac ka soo garay mar uu ka soo dhacay buur ikuulka ku taalla.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    08/05/2024 Duración: 03min

    Maxkamadda degmada Södertörn ayaa ku ridey laba nin oo dhallinyaro ah dilkii nin 30-meeyo jir ah. Barkood xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka ayaa qaba in fikirka ah in ururka midowga barwaaqasooranka Yurub EU uu ka sari karo xubinnimada waddan aan ku dhaqmeeyn nidaamka dimoqoraadiga. In ka badan barkood macaamiisha kireeysteyaasha ayaan guryaha ku heysan lacag caddaan ah. Guddiga masiibooyinka qaran ayaan baaris ku sameeyn doonin shilkii ka dhacay dekedda Furusund.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    07/05/2024 Duración: 02min

    Laba 16 jirro ah ayaa lagu xukumay dil ka dhacay xaafadda Handen ee nawaaxiga Haninge. Hal qof ayaa la xiray ka dib markii nin 40 jir ah lagu toogtay Södermalm ee magaalada Stockholm lixdii iyo badh fiidnimadii shalay Laba qof ayaa loo xidhay tuhun lacageed, ka dib markii ay Arlanda keeneen lacag ka badan hal milyan oo karoon.

  • Wararka maanta ee raadiyaha iswiidhen.

    06/05/2024 Duración: 03min

    Ra'iisul wasaare Ulf Kristersson oo lagu dacweeyay guddiga dastuurka ee baarlamaanka. Ururka daladda daryeelka caafimaadka oo ku dhawaaqay in uu balaadhiyo xanibaadda iska hori-maadka socda ee ka dhexeeya shaqo-bixiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan. Qiimaha oo kor u kacay bishii abriil 0,2 boqolkiiba marka loo barbardhigo bishii maarso ee ka horreeysay. Howlwadeennada Katamka oo gacanta ku dhigey maandooriye ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyey.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    03/05/2024 Duración: 02min

    Heyadda saadaalinta dhaqanka ayaa sheegtay iney 21 boqolkii hoos u dhaceen tirada dadkii booqanayey madxafyada. Xukuumadda oo isugu yeertey 50 heyadood si ey ugala tashato in la xiro ama heyado kala lala mataaneeyo. Tiro aad u hooseeysa oo laga heley xanuunka covid-19 gobolka Uppland. Sweden oo kaalinta labaad kaga jirta shaqa la'aanta dhallinyarada wixii da'dooda loo gaaro 25 jir ee waddammada xubnaha ka ah EU-da, waxaana keliya oo kaga sarreeya dalka Isbayn.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    02/05/2024 Duración: 02min

    Kooxda kubbadda cagta Malmö FF ee ragga ayaa todobaadkan ku guuleystey koobka Sweden. Dembiilayaasha ayaa lacag ka sameeya ama ka hela iyagoo ku iibinaya warqado lacag ah oo been abuur ah baraha bulshada. Xukuumadda ayaa doonaysaa in dad badan, oo aan haysan dhalashada Iswidhishka, ee dembiyo lagu xukumo dalka laga masaafuriyo. Booliiska ayaa fasax u siiyay in bartamaha magaalada Malmö lagu gubo kitaabka Qur'aanka maalinta berito ah.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/04/2024 Duración: 02min

    Laga bilaabo 6-da bisha Maajo ayaa shirkadda Postnord maalin dhaaf u faaruqi doonto sanduuqyada boostada ee jaallaha ah. Naadiga Skellefteå ayaa 2 iyo 0 kaga badiyay naadiga Rögle isla markaana qaaday koobka horyaalka Sweden ee ciyaarta xeegada barafka. Nin 45 jir ee ku dhaqan Södertälje ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu dilay wiil uu dhalay oo 9 jir ahaa. Waalidka asal ahaan ka soo jeeda dalka dibeddiisa ayaan inta badan ogolaan taageerada ey laammaha adeegga bulshadu u fidiyaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/04/2024 Duración: 02min

    Berrito ayaa la filayaa in hawada kulul ee xilliga gu'ga ay ku fidi doonto dhamaan dalka Sweden. Inkastoo hoos u dhac dhaqaale uu jiro, ayaa hadana waxaa jira shaqooyin badan oo xagaaga ah oo la codsan karo sanadkan. Gawaarida cusub ee booliiska ayaa la siiyay in ay nalal oranji ah ku rakiban yihiin saqafka sare ee gaariga. Isticmaalka maandooriyeyaayasha nooca kookeynta iyo midka loo yaqaan 'ecstasy' ayaa ku soo badanayafaras magaalaha Stockholm.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    26/04/2024 Duración: 02min

    Aabe looga shakisan yahay inuu labo caruur ah ku dilay degmada Södertälje oo la xidhay. Tirada carruurta Iswiidhen ku dhasha oo yaratay. Dhimashada shilalka gaadiidka oo korodhay. Shirkada SAAB oo shaacisey inay macaashtay qaybta hore ee sanadkan.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    25/04/2024 Duración: 02min

    Laga bilaabo maanta muwadiniinta Iswiidhen ee ku nool dibada way codayn karaan doorashada EU. 19 jir lagu xukumay xabsi daa'in halka gabadh 18 jir ah lagu xukumay 10 sano. Amiirad Victoria oo bilaabaysa layli sarkaal sarre. Kalkaaliso 20 sano ku shaqaynaysay shati la'aan Hor u codeeynta doorashada baarlamanka EU-da oo maanta ka bilowdey Sweden.Wiil 19-jir ah oo xabsi daa'in loogu xukumey maanta dil ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm, halka gabar 18 jir ahna loogu xukumey 10 sannadood oo xarig ah isla felkaa.Gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada Victoria tababar leyli sarkaal ka bilaabi doonta akadeemiyada difaaca, si ay u qaadato darajada sarkaalad.Haweeney muddo 20 sannadood ah kaga shaqeeyneeysay shati la'aan xirfadda kalkaaliyaha caafimaadka gobolka Jämtland Härjedalen, sida laga soo xigtay telefishanka SVT.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    24/04/2024 Duración: 02min

    Qaraxyada ay geystaan dambiilayaasha ee lala beegsado guryaha fillooyinka iyo dabaqyada ayaa soo badanaya. Shirkadda tareennada SJ oo samayn doonta maalgashi ka dib markii dhaleecayn loo jeediyey. Shirkadaha caymisku waxay leeyihiin shuruudo kala duwan oo ku saabsan dadka la kulma falalka galmada.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    23/04/2024 Duración: 02min

    Booliska mandiqaddaha waqooyiga Iswiidhen oo qariiradayn ku samayn doona raga rabshadaha ka dhanka ah dumarka sameeya. Qareen ka hawlgala Malmö oo xukun lagu ridey. Booliska oo ka digaya nooc cusub oo lagu xadayo xogta dadka.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    22/04/2024 Duración: 02min

    Hal qof ayaa ku dhaawacmay shil wiish Magaalada Göteborg. Sannadihii 2019 iyo 2023 ayey wakaaladda bii'ada shaqada soo gaareen ku dhowaad 31 000 kiis oo la xiriira shilalka ka dhaca goobaha shaqada. Nin lagu tuhunsan yahay kiis tooriyeyn ah oo rumaanka la dhigay. Khalad la xidhiidha shaybaadhka oo ka dhacay cusbitaalka Umea.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/04/2024 Duración: 02min

    Laba nin oo boliiska Malmö u gudbiyey dalab bannaanbax hor leh oo lagu gubeyo qur,aanka. Fanaaniin badan oo sheegay iney ka noqdee ka qaybgalka tartanka heesaha hirgalay ee Yurub. Magaalada Haparande oo dhacda waqooyiga sweden ayaa laba nin loo qabtay kaydsiga walxaha qarx oo aad u fara badan. Nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/04/2024 Duración: 02min

    Wakaalada caafimaadka dadwaynaha ayaa aaminsan in dad aad u yar oo waayeel ah laga tallaalay cudurka safmareenka ee covid-19. Carruurta ka codsata waalidiintooda iney lacag ugu soo diraan aaladda Swish-ka ayaa inta badan u fuliya. Hanti dhowrka qarankuoo dhaleecayn ba'an u soo jeedinayaa dawladda. Ciidamada Sweden ayaa badda cas u diri doona ciidammo gaaraya ilaa 25 qof.

página 1 de 25