Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/09/2023 Duración: 02minHaweeney 60 jir ah ayaa xalay lagu toogtay magaalada Uppsala. 275 kiilo oo ah nooca maandooriyaha amfetamin, qiimaha ay waddooyinka ka joogtaa ahayd malaayiin fara badanhase yeeshee lagu sancadeeyey meel indhaha caalamka ka qarsoon oo ku taalla xera-fardeed nawaaxiga Listerlandet gobolka Blekinge ee koonfurta Skåne. Degmada Göteborg ayaa si ku sime ah ayaa laga shaqaaleeysiisay goobaha ardeyda lagu hayo xilliga ey fasaxa yihiin, nin lagu xukumey doonis inuu ku biiro Daacish.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/09/2023 Duración: 03minWixii ka dambeeyey falalkii gubista kutubta Qur'aanka ayey culimo badan oo caalami ah welwel ka muujiyeen kor u kicid dacaayadaha internetka lagu baahiyo ee lidka ku ah Iswiidhen. 17-jir ayaa loo qabtay rabshadihii axaddii ina dhaaftay ka dhacay xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö. Ciidanka booliska Iswiidhen iyo Noorwey ayaa wadajir u dhisan doona xarun boliis oo ey ku wada shaqeeyaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/09/2023 Duración: 03minMiraha iyo khudaarta ayaa yeesha midabbo badan oo xoogan. Ma ahan oo kaliya qurux, laakiin sidoo kale caafimaad ayaa laga helaa, sida lagu sheegay laanta idaacadda ee culuunta sayniska. Gacanyare ka howlgala wakaaladda canshuuraha ee Malmö ayay la soo gudboonaatay inuu si kama' ah ugu diray mail ey ku qoran yihiin xogaha shakhsiyaad gaarsiisan 7700, shakhsi khaldan. Boliisku waa inay saxaan khaladaad, kadib wixii ka dambeeyay geeridii sarkaalkii sare ee Mats Löfving.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
04/09/2023 Duración: 03minHoggaanka ururka samafalka Nobel ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa in xafladda billad-bixinta Nobel ee bisha diseember uu ku casumo safiirrada Iswiidhen u matala waddammada Ruushka, Iiraan iyo Beelaruus. Muwaadinkii iswiidhishka ee abriil 2022 lagu qabtay dalka Iiraan illaa haddana ku xabisan ayaa la shaqeeynayay EU, sida uu qoray wargeeyska mareeykanka ee New York Times. Bulshada reer Malmö ciddey doonaanba ha ahaadaane iswiidhish ama ajnabi, muslin ama aan ahayn, waa dad xeerka raaca.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/09/2023 Duración: 03minInta lagu guda jiray xagaagii, tirada muwaadiniinta Ciraaq ee ku jira goobaha laysku hayo ka hor tarxiilka ee sugaya masaafurinta ayaa kordhay. Qarashka booliska kaga baxay falalka gubista kitaabka Qur'aanka ee guud ahaan dalka ayaa ilaa iyo imminka ah 2,5 milyan oo karoon. Shirkada tareenada ee SJ waa mid ka mid ah shirkadaha dawliga ah ee bixiya adeega tareenka isla markaana ka hawl gala soomaali badan qabtana shaqooyin kala duwan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
31/08/2023 Duración: 02minXisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in xukuumaddu ay baarto haddii ay suurtagal tahay in la mamnuuco gubista kitaabka Qur'aanka. Saddex kiis oo jadeeca ah ayaa laga helay gobolka Stockholm toddobaadyadii ugu dambeeyay. Sideed ka mida tobankii arday ee waxbarashada fasalka sagaalaad ee iskuulka Fittjaskolan ee magaaladda Stockholm ayaa sannadkan iskuulka kaga baxay natiijaddii ugu wanaagsaneed ee sannad dugsiyeed ee iskuulka tan iyo 2021.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/08/2023 Duración: 02minXaaladda dhaqaale adag ee jirta awgeed, waxaan dadka ku filneen lacagaha soo gala -waa sida ay dareentay Malin oo a ku nool Malmö. Booliska ayaa xaqiijiyay in labo qof meydkooda laga helay guri ku yaalla nawaaxiga Kiruna. Duulaan kaneeco ama dhilmaanyo ayaa ka jira magaaladda Stockholm, sida ay dareemeen dadka qaar.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/08/2023 Duración: 02min12 ka mid ah 21ka gobol ee Iswiidhen ayaa ka soo horjeeda soo jeedinta xisbiyada ka dhexeeya heshiiska Tidö ee ah in la soo bandhigo ogaysiis qasab ah oo loogu talagalay shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee dowladda. Nin ku jira da'da 30-meeyo ayaa maanta xilligii qadada loo soo xiray tuhun ah isku day dil oo ka dhacay magaaladda Borås. Sabina Zainab Hassan waa kalkaaliso caafimaad oo ku nool magaalada Uppsala isla markaana qortay buugga 'Molnhåret' oo macnahiisu yahay timihii daruurta ahaa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/08/2023 Duración: 03minNin Swedish-Ruush ah, kuna nool Sweden ayaa lagu soo oogay dacwad ah in howlo basaasnimo sharci daro culus uu u qabanayay dalka Ruushka. Dhererka baabuurta xamuulka ayaa maanta ah 25,25 meter, balse laga bilaabo dhammaadka bishan baabuurta xamuulka ayaa bedelkii dherekooda ugu badan waxuu noqon karaa 34,5 meter. Yusuf Hussein ayaa ka mid ah dhallinyaro sannadkan la guddoonsiiyay abaalmarinta Young Courage.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
25/08/2023 Duración: 02minIskuulada Sweden ma siiyaan ardayda fursado isku mid ah waxa sida lagu soo bandhigay qiimeynta cusub ee hayada waxbarashada ee Skolverket sameysay Dhallinyarrada caba cabitaanadda sida läsk iyo energi dricka ayaa si ba'an u saameeya ilkaha. Guddoomiyaha Järva Rashid Ahmed oo sheegay in maamulka nawaaxiga ku howlan yahay wax ka qabashada rabshadaha xaafahadaasi.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
24/08/2023 Duración: 03minMeydka will la weysanaa tan iyo bishii Luulyo oo jimcihii laga helay Upplands bro waqooyiga Stockholm. Wasiirka arrimaha dibedda Sweden oo ka hadlay wararka dhimashada hoggaamiyaha kooxda Ruushka ee Wagner. Mid ka mid ah shilalka ka dhaca wadada ay ku dhinteen 5 qof ee u dhaxeysa Skara iyo Falköping oo la sheegay in gawaarida xamuulka ku lug leeyihiin.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
23/08/2023 Duración: 03minHey'adda gaadiidka iyo booliska oo baaris ku bilaabay shilkii gaadiidka ee Isniintii ku geeiyoodeen shan qof. Wxaaa baarista qeyb ka ah baaris lagu sammeynayo labbada baabuur iyo oogada meydadka inta shilka ku dhimatay. 14 jir aabihiisa ka badbaadiyay xilli ugaarsiga oorso ku jiraan. Caruurta aan xaalado xanuunada Autism ama ADHD u aadeyn iskuulka oo sii kordhaya
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
22/08/2023 Duración: 03minCenterpartiet ayaa soo jeediyay in sannadka waxbarashada iskuulka lgu sii dheereeyo ama lagu daro labo toddobaad. Nin isku hor qaawinaya gabdhaha da'da yar nawaaxiga Umaeå, sida booliska ka digayaan. Shil daran oo shan qof ku geeriyoodeen oo ka dhacay wadada 184 ee u dhaxeysa Skara iyo Falköping
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
21/08/2023 Duración: 03minBjörn ama oorso weerartay aabe iyo wiilkiisa. Oorsada oo ku geeriyootay weerarka. Hey'ado loo dhiibay sidii loo si kordhin lahaa ammaanka gaadiidka dadweynaha iyo tareenada dalka. Xukuumadda oo ku howlan sidii loo xaqiijin lahaa helitaanka daawooyinka antibiotikada xilli gabaabsi ba'an laga sheegayo daawooyinkaasi ka hor inta aysan bilaaban deyrta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/08/2023 Duración: 02minMaalinta beri ee Sabtida ah ayaa Iswiidhen la ciyaari doonto dalka Australia, labada dal ayaa ku tartami doono bilada maarta ah. Karoonka Iswiidhashka ayaa sii luminaya qiimahiisa. Dad ay laanta Afka Soomaaliga ee Raadiyaha Iswiidhen kula hadashay waddooyinka Stockholm ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heerka sare u qaadista argagaixiso ee dalka Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/08/2023 Duración: 03minBooliska nabadsugida ee Säpo ayaa maanta kor u qaaday heerka khatarta argagixisanimo ee dalka Iswiidhen . Waxay u ektahay in ay ku adkaaneyso xukuumadda in taageero kaga hesho aqalka baarlamanka in la bedelo xeerka ordningslagen. Dadka dibeddaha ku dhashay ama ka soo jeeda ayaa waaya arag u noqdo dhibaatooyin weyn bii'ada shaqada taasoo ka badan inta ay la kulmaan kuwa dalka ku dhashay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/08/2023 Duración: 02minArbacadda maanta waxaa bilaabanaya toddobaadka dhaqanka ee Stockholm kaasoo socon doona ilaa iyo Axada. Labo waalid oo ku nool degmadda Arboga ayaa lagu diray xukun xabsi ah sannad iyo labo midkiiba waayo waxaa lagu helay eedeyn ah in cadaadis ama caburin sharf dhowr ay kula kaceen gabadh ay dhaleen. Ammaanka xaaladda sii xummaaneysa darteed, hay'adda gaadiidka ee Trafikverket ayaa imminka xoojineysa howlaheeda la xiriira su'aalaha amniga.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/08/2023 Duración: 03minCiyaaryahanada Rebecka Blomqvist ee maanta dhalisay goolka bareejada ee ciyaarta semifinalka ayaa ka hadashay dareenkeeda ka dib guusha marka ay raacday dalkaasi Spain. Hay'adda saadaasha hawada ee SMHI ayaa ka digeysa in roob fara badan uu wadada ku soo jiro. Dad gaaraya 60 qof oo ku kala nool xaafadaha Rinkeby iyo Skärholmen ahna waalidiin iyo caruurtooda ayaa talaadadi u safray Philipsonska Gård oo ku taalla magaalada Strängnäs.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/08/2023 Duración: 03minDalaga qamida ee sannadkan ayaa la filayaa in 15 boqolkii uu ka yaraado kii sannadkii hore , waa sida ay saadaalineyso wakaaladda beeraha Jordbruksverket. Dad fara badan ayaa shaqo helaya Iswiidhen, tiradda dadka shaqeynaya ayaa tii ugu sarreysay ku dhowaad 20 sano. Nimco Ahmed Ali waa hooyo da'yar kuna nool magaaladda Norrköping, waa jilaa hooyo keli ah oo caruur leh ku metashay filim.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/08/2023 Duración: 02minSweden oo iska xaadirisay ciyaarta semifilnalka ee koobka kubadda cagra adduunka ee hablaha. Waxay la ciyaari doontaa Spain Talaadada. 15 loo hayo tuhun afduub. Mogadishu oo mart gelineysa bandhig farshaxan