Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/11/2023 Duración: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Aradey jaamacadda laga eryay iyo qaar digniin la siiyey.Dhiig la'aan ka taagan mandiqadda Västerbotton.Qiimaha dirista waraaqaha oo kor loo qaaday.Dadka u dhinta wadne-xanuunka oo hoos u dhacay Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
29/11/2023 Duración: 02minDawlada oo kordhin doonta lacagta dulsaarka ah ee la saaro deynta ardaydu qaataan sanadka soo socda. Dhakhtar ka hawlgeli jirey Norbotten oo shahwadiisa ku bacrimeyey haween xili uu ka hawlgalayey qaybta bacriminta. Iswiidhan ayaa sanadkan qaadan doonta qaxoontigii ugu yaraa tan iyo 2016.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/11/2023 Duración: 02minWay adag tahay in telefoon lagu gaadho hayada caymiska dadweynaha shaqaale dhimis la sameeyey awgeed. Dhallaanka fasallada sideed ee Iswiidhen oo kaalinta labaad ka galay su'aalaha arrimaha bulshada iyo Dimuqaradiyada. Walaal ila Orod waa olole laga bilaabay Malmö 2019 kuna faafay Iswiidhen iyo wadamo ka baxsan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/11/2023 Duración: 02minWaxyeellooyinka ra'sumaal ayaa ku soo badanaya iskuullada Falköping. Waxaa jiri doona baraf badan oo ku teedsan xeebta Norrland malmaha Talaadada iyo Arbacada. Goobo ka mid ah Soomaaliya ayaa ku jira xaalad adag ka dib markii daadad iyo fatahaado ay ka dhaceen gobollada qaar.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/11/2023 Duración: 02minXukuumadda Iswiidhen ayaa iminka ka falcelisay muuqalkii lagu faafiyey gaar ahaan aaladaha bulshadu ku kulanto luuqadda carabiga, halkaasina oo si khaldan loo tarjumey hadal uu ka soo yeeray madaxa xukuumadda Iswiidhen, Ulf Kristersson. Kooxda kubbadda cagta haweenka Häcken oo ka guuleysatay kooxda Real Madrid. Barnaamij ku saabsan xanuunka covid-19 iyo mawjada cusub oo xanuunkaasi ah oo laga dareemayo dalka Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/11/2023 Duración: 02minWakaaladda maamulka iskuullada Skolverket ayaa u soo bandhigtay xukuumadda warbixin la xiriirta in la dheereeyo saacadaha waxbarasho ee dhallaanka dhigta dugsiyada hoose fasallada 1-3. Qiimaha cunnada ee iskuullada ayaa cirka isku shareeray, middaasina oo degmada u soo jiidda kharash badan oo kaga baxa. Bangiga qaran ayaa kor u qaaday ribada hagista siddeed jeer wixii ka dambeeyey bishii Feeberaayo ee sannadkii 2022, si loola dagaalamo sicirbararka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/11/2023 Duración: 03minBorofisar ku takhasusay badbaadada waddooyinka Astrid Linder oo ka mid noqotay 100-ka haween ee ugu saamaynta badan siday soo bandhigtay shirkadda adeegga dadweynaha ee Ingiriiska ee BBC. Furriinka hurddada, oo loola jeedo in qolal kala duwan la seexdo ayaa badbaadin karta hurddada iyo xiriirka lammaanahaba, sida uu sheegay caalinka baaraha hurddada Christian Benedict. Shirkadaha kaalmadu waxay ku shaqeeyaan gargaar shakhsiyeed, oo ay ku jiraan dadka naafada ah oo musuq ku shaqeeya.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/11/2023 Duración: 03minIyada oo uu jiro farqi dhanka caafimadka ilkaha ah ayaa haddana dhakhaatiirta ilkuhu waxay xoojinayaan muhiimada cadaygu leeyahay. Degmada Stockholm ayaa shaacisey inay diyaar u tahay martigelinta tartanka qaboobaha ee olambikada sanadka 2030. Xiligan ardayda dugsiyada dhexe dooranayso barnaamijyada dugsiga sarre ayay la kulmaan caqabado kala duwan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/11/2023 Duración: 02minKaliya 38 boqolkiiba dadka Iswiidhishka ah ayaa iska hubiya macluumaadka ay qadka internet-ka ku arkaan in uu yahay mid sax ah iyo in kale. Liiska cusub ee dembiilayaasha la raadinayo ee Yurub ku dhaqan sannadka 2023 ayeey ku jiraan 3 Iswiidhish ah. Barnaamij uu Raadiyaha Iswiidhen ka wareeysanayo waalidiin ka hadlayaan arrinka dhaqan celiska ee carruurta dalkii loo geeyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/11/2023 Duración: 02minKhaladaad culus ayaa dhacay markii guddiga arrimaha bulshada ee degmada Älvsbyn ay go'aansadeen in saddex carruur ah, oo hore loo dejiyay guryaha qoyska ama 'familjhem', dib loogu celiyey waalidkood. Kooxda kubbadda cagta ragga ee Iswidhen ayaa maalintii shalay gul dari weeyn kala kulmeen dhigooda Asarbayjan. Hordhac waraysi uu Raadiyaha Iswiidhen la yeeshay Kristian Svenberg oo muddo 20 sannadod uu dhakhtarnimo kaga shaqeeynayay xaafadaha danyarta iyo ajaanibtu ku badantahay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/11/2023 Duración: 02minBaarlamaanka Turkiga oo maanta oo Khamiis ah ka dooday ka mid noqoshada Iswiidhen ee NATO balse aan wali go'aan rasmi ah ka gaarin. Wiil 16-jir ah oo dil u geeystay wiil ay isku da' yihiin ayaa lagu helay dembi. Hey'adda canshuuraha ayaa bilaabeeysa baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan guryaha dadka si ay wax uga qabato dhibaatada dad badan si qaldan ugu diiwaan gashan yihiin
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/11/2023 Duración: 02minBaraf ayaa ka da'aya koonfurta dalka Iswiidhen. Shirkadda soo sarto ukunta oo digaagi ay dabar jartay loo isticmaali doono kuleeyliye. Barnaamij ku saabsan muhiimada ay leedahay xirashada bidhaamiyaha la isticmaalo mugdiga ee xiliga jilaalka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/11/2023 Duración: 02minXanuunka xiiqdheerta ayaa halis ku noqon kara dhallaanka da'da yar, waana mid ku sii faafaya imikadan Sweden, sida ku cad tirakoob ka soo baxday hayadda caafimaadka bulshada - Folkhälsomyndigheten. Jaamicadda teknikada Chalmers oo ku taalla magaalada Göteborg ayaa mamnuucday bannaanbaxyada siyaasadda iyo tabbeeleeynta, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten. Hinda Mohamud waxay ka tirsan tahay shirkada Connecto oo dadka ka caawisa helida shaqada waxaanay arrintan ku heshay abaalmarin.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/11/2023 Duración: 02minGobollada dalka Iswiidhen ayaa soo wajahay xilli xaalad dhaqaalaha oo aad u adag. Tirada dadka ka soo baxaya Qaza isla markaana ku soo socdo Iswiidhen ayaanan xukuumadda xisaabinenyin in ay dhammaantooda ka soo gudbaan Qaza Isniinta maanta. Illaa hadda sannadka ayey tiradkii ugu badneyd abid oo geeriyoota ey ku yabooheen xubnahooda marka loo barbardhigo sannadkii 2022.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
10/11/2023 Duración: 02minTan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa'iil, iskuulada ayey ka dhaceen caqabado Yuhuud naceyb. 104 qof oo kulan isugu yimid Jönköping gabagabadii bishii oktoobar ayey soo wajaheen shuban, matag iyo calool xanuun daran. Haweeney ka howlgasha maxkamadda Attunda ayaa lagu tuhunsan yahay dembiga xograadin aanay xaq u laheyn, iyo dembi culus ee xogdhowrid la'aan, islamarkaana u gudbisay shabakad dembiyeed xogta ah in boliisku uu dhageeysto.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/11/2023 Duración: 03minSaddexdii siyaasiba mid ayaa mar kasta la kulma hanjabaad, arrintan waxa lagu muujiyey sahan. Xisbiga SD ayaa soo jeedinaya ka hor shirweynahooda in dhalashada lagala noqon karo dadka khatarta ku ah bulshada. 81 Ove Rydén oo bilaabay inuu ku tababarto ciyaaraha fudud si uu uga qaybgalo tartanka waayeelada adduunka ee ciyaraha fudud.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
08/11/2023 Duración: 03minWadamada soo saara shidaalka oo raba inay kordhiyaan waxsoosaarka boqolkiiba 110 oo ka badan inta loo calamadiyey inaanay dhaafin derejada 1.5. Ayaadu door nooce ah bay ku leedahay qoyska. Sanadkan waxa la filayaa inuu hoos u dhac ku yimaado tukaamaysiga kirismaska.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
07/11/2023 Duración: 03minUrurka shaqaalaha ee gaadiidka ayaa kordhiyay xayiraddii uu saaray shirkadda gawaarida ee Tesla. Xukuumadda Sweden ayaa u soo jeedisay EU in la adkeeyo howlaha ka dhanka ah shakhsiyaadka xagjirka ah ee halista ku ah ammaanka. Dad badan ayaa ka amaahday buugag maktabad xidhnayd oo ku taalla magaalada Göteborg.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/11/2023 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Suuqa gaarka ah ee guryaha qoyska ayay tahay in meesha laga saaro sida lagu soo jeediyey baadhis maanta la gudbiyay. Daraasad cusub ayaa lagu sheegay in dumarka sacadaha yar seexda ay halis cafimaad daro oo ka badan ta raga la kulmi karaan. Haa sharcigan wuxuu samaynayaa dhamaan dadka haysta ”arbetstilstånd ama halkan dalka dhexdiisa ha lagu siiyo ama dibadiisa ha lagu siiyee sidaa waxa yidhi Xasan Deri oo ah garyaqaan
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
03/11/2023 Duración: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Khiyaamooyinka lacagta looga dhaco waayeelka.Siday noqon cimilada labadan maalmood ee fasaxa la yahay sabtida iyo axadda.Dumarka dalka dibaddiisa ka soo jeeda oo aan tegin baaritaannada caafimaad ee loogu yeero.