Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

Informações:

Sinopsis

Nin 25 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii uu jabiyay mamnuucid joogitaanka bartamaha magaalada Göteborg. Afar illaa shan qof ayaa shalay galab ka baxsaday mid ka mid ah xarumaha lagu haayo dadka ee Wakaaladda Socdaalka oo ku taalla degmada Märsta oo dhacda waqooyiga Stockholm. Tirada cusub ee xanuunka dhimirka ee dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 18-24 ayaa wax yar hoos u dhacday sannadkii hore, marka loo eego sannadkii ka horreeyay.